Hot Topics

Gabar wariye ah Oo lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho

Qof hubeysan,ayaa ku dhaawacay Gabar Wariye ah oo lagu magacaabo Farxiyo Mire.isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho.
 
Gabadha la dhaawacay ayaa la sheegay in ay ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda dhowr xabadood aya ka haleelay Caloosha iyo Lugta.
 
Lama oga sababtay keentay toogashada uu qofkan hubeysan u geystay gabadha wariyaha ah, hasse ahaatee goob joogayaasha qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in uu dhaxmaray muran kaddib-na sidaa uu rasaasta ku furay.