Hot Topics

Video:-Maxaa kasoo baxay shirkii isgaarsiinta Ee Garowe ka socday?

Shirkan ayaa sadexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxuu ka socday caasimada Garowe waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradaha Boostada iyo isgaariinta Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, iyo Garyaqaanka Guud Dowlada Cismaan Cilmi Guuleed .
 
Shirkan,ayaa waxaa qodobadii looga xaajooday ka Mid ahaa:-
 
1.Wax ka badalka Xeerka isgaarsiinta Qaranka, qodabada sida Weeyn loga dooday waxay kala ahayeen,Qodobka – aad.6 -aad,10-aad iyo Qodobka 35-aad .
 
Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo heli lahaa xeer isgaarsiineed oo ay ku midaysan yihiin guud ahaan Somalida.kaasoo salkiisu yahay nidaamka Fadaraalka ah.
 
Dhamaan madaxdii ka soo qeeyb gashay shirka waxay iskaga sood hawaadeen meeshii markii hore ay ka kala taagnaayeen wax ka badalka dhaqangalinta furaha +252 ee Soomaaliya iyo Dumainka Internetka Soomaaliya ee .SO.
 
Qorshahan ayay Madaxda Dowlada Fadaraalka iyo madaxda Dwoladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka isku waa faqeen,hoos ka daawo muuqaalka..

 

Halkan ka daawo muuqaalka qodobada kasoo baxay shirka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka Puntland Cabdi Xisri qarjab,ayaa soodhaweeyey shirkan iyo in isfahan waagii taagnaa  laga wada xaajoodo,hoos ka daawo muuqaalka Wasiir Qarjab.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka Wasiir Qarajab