Hot Topics

Sii dayntii Qalbidhagax yaa ka danbeeyay?WQ.Jibril Qoobey..

Jamaaludiin Mustafa oo la hadlayay warbaahinta dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiga dowladda Soomaaliya, isla markaana Dowladda Itoobiya ay tixgelisay codsigaas.

“Sii deynta Qalbi Dhagax waxay ku timid wada hadal dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,dowladda Federaalka Itoobiyana waxay tixgelisay codsigaas, waana la sii daayay”ayuu yiri Danjire Jamaaludiin.

Hadalka safiirka Itoobiya Muqdisho u fadhiya,ayaa dadka wax odorasa waxay u arkaan mid xaqiiqda aad uga fog,isla markaana ah qorshe Dowlada Muqdisho looga fududaynayo culayska iyo wajigabaxa ka soo gaaray dhiibistii Qalbidhagax ee Itoobiya.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye,ayaa maanta qaabilay Qalbidhagax,isagoo usheegay in uu dalkiisii joogo xor yahay,isla markaana khalad lagu soo xiray magdhawna uu xaq uleeyahay.

Abiye waxuu ka codsaday Qabidhagax in uu kala shaqeeyo sidii Itoobiya loo midayn lahaa horumarna loo gaarsiin lahaa.

Dowlada Somaliya,ayaa mudooyinkii udanbeeyay ku mashquulsanayd in aan Qalbidhagax lasii dayn hadii ay dhacayso in lasii daayana iyada lagu soo wareejiyo,balse codsigaas Dowlada Itoobiya ayaa si cad uga diiday.

Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa sii daynta Qalbidhagax maalin ka hor xiligii ay ahayd sii dayntiisa ka warheshay.

Isku soo wada duuboo Qalbidhagax Itoobiyaanimo ayuu caawa wax ku helay kulana cawynayaa qoyskiisa si xor ah caasimada Itoobiya ee Adis-ababa.

Jibril Qoobey.