Hot Topics

Waftiga ka socda Mukhtaar Rooboow Oo la kulmay saraakiil Maraykan ah

Wafti ka socday Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuti ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
 
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in waftigan oo ka koobnaa afar xubnood ay la kulmeen Saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan Taliska Mareykanka Africom ee fadhigooda ahaa dalka Jabuuti.
 
Wararka ayaa sheegaya in waftigan oo ka wakiil ahaa Mukhtaar Roobow ay kala hadleen Saraakiisha Mareykanka sidii ay isaga kaashan lahaayeen howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa abaabulka dagaal uu wado Mukhtaar Roobow.
 
Mukhtaar Roobow ayaa wada abaabul dagaal iyo mid ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana muddooyinkii u dambeeyay uu safaro ku marayay magaalooyinka dalka, si uu taageero ugu helo dowlad goboleedyada.
 
Ilo wareedyo ku dhow dhow dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in wadaadkan loo diyaarinayo xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha November ee soo socota, waxaana jiray tallooyin loogu jeediyay inuu isa soo sharaxo.
 
Abuu Mansuur oo ka mid ahaa aas aasayaasha Shabaab ayaa sanadkii hore sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab, iyadoo maleeshiyo taageersan oo ku sugan Bakool ay dhowr jeer dagaalo la galeen xooggag taabacsan Shabaab.