Hot Topics

Video:-Banaanbaxyo ka dhacay Gaalkacyo iyo maamulka Gobolka oo amaro soo saaray

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconayo dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo diidmada Shilinga Soomaaliga.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Bulshadda kunool Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ganacsatadda magaalada ay diideen in ay qaataan lacagta Shilinga Soomaaliga.

Qaar kamid ah Ganacsatada haweenka ah ayaa hormuud u ahaa dadka dibaxa dhigayey kuwaasoo muujinayey sida ay uga xunyihiin diidmada shilinka Soomaaliga ah gudaha magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Gobolka Mudug ayaa arinkan ka hadlay,shir jaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaaloow ayuu ku shaaciyay amaro  uu soo saaray,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka