Hot Topics

Dadka kale oo lagu sumeeyay Dalka Britain

Nin iyo Naag is-qaba ayaa ku jira xaalad khatar ah dalka Britain, kadib markii loo adeegsadey sun la mid ah tii lagu weeraray nin hore uga tirsanaa Sirdoonka Ruusha iyo gabadhiisa.

Warkan ayaa laga soo xigtey sarkaal sare oo ka tirsan la dagaalanka argagaixisada ah dalka Britian.

Ninka iyo naagtan ayaa loo aqoonsadey Dawn Sturgess oo 44 sano jir ah iyo Charlie Rowley oo 45 jir ah, kuwaasoo saxiibadood ay heleen ayagoo miyir doorsoon meel 13 KM u jirto Salisbury oo aheyd halkii lagu waxyeeleeyey Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia oo la helay bsihii March.

Hay’adda la dagaalanka argagixisada ayaa wadda baaritaano lagu ogaanayo cidii ka dambeysay weearkaan sunta loo adeegsaday.