Hot Topics

Dowlada Fadaraalka oo sheegtay in ay dib uqabsatay dhismihii Otto-Otto

Ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen hawlgal ay dib ugu qabsanayeen dhismaha Otto Otto oo xarun u ah wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga kadib markii saaka koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhismaha weerar ku galeen.
 
Dad goobjoog ah ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen qaraxyada iyo rasaastii xigtay ee ka dhacay dhismaha.
 
Madax gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambulance, Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aden, ayaa sheegay in 21 qof oo dhaawac ah oo 5 kamid ahi yihiin haween ay ka qaadeen goobta weerarku ka dhacay.
 
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyda qaraxyada iyo weerarada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
 
Muqdisho ayaa xasiloonayd labadii bilood ee ugu dambeeyey.