Hot Topics

Kal-fadhigii 5-aad Ee Baarlamaanka maamulka Koonfur-Galbeed oo furmay

Kalafadhiga 5-aad ee Baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa goor dhow ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee maamulkaas.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulanka daah furay iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo hadda khudbad ka hor jeedinayo munayaasha Baarlamaanka maamulkaasi iyo Xubno kale.

Guddoomiyaha golaha Shacabka waxaa uu sheegay in qorshaha uu yahay in la sii xoojiyo xiriirka wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee Ka dhaxeeya golaha Shacabka iyo golayaasha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedyada, isagoo tilmaanay in Maadaamaa Dalka uu qaatay nidaamka federaalka loo baahanyahay in maamulka loo de dejiyo min degmo ilaa tuulo si maamulka hanaanka dowlad wanaaga uu u gaaro dadka deegaanada  ku nool.

 

 

.