Hot Topics

Nabad Sugidda Soomaaliya yaa lagula xusaabtamayaa?

Iyada oo ay maalmahaan gacanta ka sii baxayo ammaankii Caasimadda Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxaya in aysan jirin cid lagula xisaabtamo waxaana dhacday:-
1. In labadii ku xigeen ee NISA laga joojiyey shaqadii
 
2. In uu Agaasimaha NISA oo waddanka ka dhoofay uu hawlihii Haya’dda ku dhaafay nin aan ka tirsanayn Haya’dda.
 
Idilnews waxaa u suurto gashay in ay baaris ku samayso Ninka hawsha loo idmaday oo lagu magacaabo Dr. Cabdullahi Aadan Kulane,
 
Idilnews waxay xaqiijisay in uu yahay Nin ay qaraabo dhaw yihiin madaxweyne Farmaajo,sidoo kale mahan Dhakhtar shahaadada Doctor PHD ee caafimaadkana mahaysto.
 
Waxaa intaas dheer oo idilnews soo xaqiijisay in uusan ka tirsanayn Haya’dda NISA, oo xataa mahan shaqaale hoosaad.taasian waa arrin khilaafsan sharciga (fiiri lifaaqa).
 
Isku soo wada duuboo waxaa sii hoobanaya oo gacanta kasii baxaya amaanka magaalada kali ah ee Dowladu sheegato in ay ka taliso..