Hot Topics

Madaxii Kastamka Dekeda Muqdisho oo Ciidamada amaanka isku soo dhiibay

Madaxii Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed Samow ayaa isu soo dhiibay ciidamada CID dowlada Fadaraalka Somaliya.
 
Samow oo galabta ay ciidamada booliska ka raadiyeen gurigiisa oo ku yaala degmada xamar Jajab ayay ka waayeen Ciidamadu,basle markii dannbe waxay Ciidmadu ku heleen telefoon waxaana lagu amray in uu xarunta CID yimaado
 
Ciidamada booliska dowlada Fdaaralka Somaliya,ayaa maanta masuq u xiray ilaa 9-qof oo ka shaqeeya kastamka dekeda Muqdisho kuwaas oo lagu eedeeyay in ay laaluush qaateen..
 
Madaxa Kastamka Samoow,ayaa isna lagu soo eedeyay inuu masuq baahsan ku kacay waxaana maanta mudo 4 saac ah wareysanayey hanti dhawrka .