Hot Topics

Ra’isalwasaare Abiye oo la kulmay qaybo kamid ah Bulshada Soomaaliyeed

Abiy Axmed ayaa saaka kulan la qaatay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Addis Abbaba.

Wuxuu dhegeystay cabasho ay ka qabaan maamulkii hore uga jiray deegaanka Soomaalida oo ay ka eed sheegteen.

Wuxuu u ballan qaaday in waxyaabihii hore u dhacay aysan dib u soo noqon doonin, wuxuuse ku dheeraaday arrinta “ceelka shidaalka” ee la sheegay in “5% ay Soomaalidu ka helayaan”, isagoo yiri ” sida loo dhigay ma aha”.

Ilaa dhowr iyo 30-qof oo Soomaalidii halkaa joogtay ah ayaa ka hadlay madasha.