Hot Topics

Video:-Maxay kawada xaajoodeen Abiye iyo Somalida kulanka la qaadatay?

Abiy Axmed ayaa saaka kulan la qaatay madaxda iyo shacabka Deegaanka Somalida..
 
Abiye,ayaa dhegeystay cabasho ay ka qabaan maamulkii hore uga jiray deegaanka Soomaalida,iaydoo ay ka eed sheegteen waxgaradkii la hadlay ra’isalwasaare Abiye.
Ra’isalwasaare Abiye waxuu ballan qaaday in waxyaabihii hore u dhacay aysan dib u soo noqon doonin, wuxuu si gaar ah ugu dheeraaday arrinta “ceelka shidaalka” ee la sheegay in “5% ay Soomaalidu ka helayaan”, isagoo yiri ” sida loo dhigay ma aha”..
 
Sidoo kale Mas’uuliyiintii iyo Odayaashii kulankaas ka qeyb galay waxay dhankooda ka dalbadeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed in mar walba ay helaan cadaalad,isla markaana cadaalada lahor-keeno dadkii ku lug lahaa tacadiyadii ka dhacay deegaanka Soomaalida.
 
Maalmaha soo socda waxaa sii jiri doona kulamo kale oo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed la yeelan doono siyaasiyin Soomaali ah.
 
Kulanka maanta dhexmaray ra’isalwasaare Abiye iyo bulshada Somalida ayay dowlada dhexe ee itoobiya waxay uga gol lahayd 3-qodob oo kala ahaa…
 
 
1.In Somalida la ogaado sida ay u arkaan isbadalka ka dhacay guud ahaan itoobiya.
 
2.In bulshada la baro in ay hadli karaan oo aragtidooda dhiiban karaan iyagoon cidna ka baqayn.
 
3.In Dimuqraadiyaynta xooga leh ee ka socota itoobiya ay Somalida la jaanqaado oo si ficil ah loo tuso wanaaga dimuqraadiyada.
Halkan ka daawo muuqaalka