Hot Topics

Video:-Halkee ayuu marayaa qorshaha lacag soo daabicida Ee dowlada fadaraalka Somaliya?

Ra’isalwasaaraha dowlada fadaraalka Somaliya Xasan Cali kheyre ra’iisulwasaaraha,ayaa maanta waxa uu shir guddoomiyay Kulan la iskugu yeeray deeq bixiyayaasha caalamka ee jooga Soomaaliya,waxaana laga dalbaday in ay ka gacansiiyaan dowladda sidii si deg deg ah lagu soo daabici lahaa lacag cusub oo ay Soomaaliya yeelato.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in lacag cusub in la helo ay tahay mid muhiim a,si lacagihii hore ee duugo loo baddalo.

Kulanka waxaa masuuliyiintii ka hadlay ka mid ah Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan ducaalle Beyle oo sheegay in ay aad ugu hamiweenaayeen in ay soo sameeyaan lacag cusub,waxa uu mahadceliyey xubnihii ka socday beesha caalamka ee kualnka kasoo qaybgalay.

Dhammaan dhinacyadii ka qayb galay kulanka ayaa waxa ay  isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan lacagihii ay ku yabooheen maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco.

Somaliya ayaa baahi uqabta lacag cusub ka gadaal markii ay noqotay lacagtii hore mid aad uduugoowday oo ana la xakayn karin.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka