Hot Topics

Video:-Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax khasaaro geystay oo Maanta lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag ee  Gobolkan Banaadir.

Qaraxaan oo ahaa Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa lagu dhuftay Albaabka Xarunta degmada Howl-Wadaag,waxana la soo sheegayaa in qaraxa ay ku waxyeeloobeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo dad Rayid ah.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka degmada Howl-Wadaag oo Warbaahinta kula hadlay Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada degmada oo xilliga qaraxa dhacayay ku sugnaa degmada.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray xarunta degmada Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho

Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ee Andalus ayaa baahisay War kooban oo Al shabaab ku sheeganayaan in qaraxaasi ay u adeegsadeen Gaari Miineysan isla markaana Xarunta degmada Howl wadaag ay ku sugnaayeen Mas’uuliyihiin ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag iyo saraakiisha ciidanka sida Shabaab ay sheegteen,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka