Hot Topics

Video:-Xildhibaanada Golaha Deegaanka Bosaso Oo la dhaariyay

Waxaa si rasmi ah maanta xilkooda loogu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Gollaha deegaanka Boosaaso,iyadoona dhaartu ka dhacday guriga gobolka Bari ee Boosaaso.

Dhaarta waxaa goobjoog ahaa maamulka gobolka Bari iyo Guddiga soo xulista Golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Xildhibaanada cusub ee la dhaariyay ayaa ka kooban 31 xubnood,iyadoona lagu wado in maalinta berri ah ay doortaan duqa cusub ee degmada Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa.

Duqa cusub ee Boosaaso waxaa u sharaxan Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Maxamed Faarax Xaaji Mire,halka Kuxigeen uu u sharaxan yahay Siciid Garoon.

Doorashada ayaa lagu wadaa in ay la qabsoonto maalinta berri ah(Khamiis) xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka