Hot Topics

Doorashadii Bosaso oo lagu kala adkaaday!!

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ahaa ku-simihii duqa Bosaso ayaa loo doortay guddoomiyaha gollaha degaanka ee degmada Bosaso doorasho ka dhacday hoolka dowladda Hoose ee Bosaso.

 

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowlada hoose C/laahi Timacade oo ku dhawaaqay natiijada doorashada waxaa uu sheegay in C/salaan bashiir wuxuu helay 28 Cod, halka Maxamed Faarax Xaaji Mire ayaa helay 3 Cod, iyadoo tirada guud ee xildhibaanada codaysay 31 xubnood.

 

 

 

Duqa Cusub ee Bosaso C/salaan Bashiir oo ka hadlay guushiisa waxaa uu u mahadceliyay ninkii la tartamayay, waxaana uu sheegay in doorashadii dhammaatay, loona baahan yahay shacabka Bosaso oo mid ah. Dhiniciisa  Murashax Maxamed ayaa sheegay in doorashadu ay u dhacday si xor ah, isagoo u mahadceliyay xildhibaanadii codeeyay iyo guddiga xalinta khilaafaadka.