Hot Topics

Video:-Qaraxyo xoog leh oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 10 qof oo u badan askarta dowladda ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay bar koontarool oo ku hortaalla Tiyaatarka Qaranka, waxayna u badnaayeen illaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Tuulax oo marayay meesha uu qaraxu ka dhacay. Waxa la sheegayaa in isaga laftigiisa uu dhaawac ka soo gaaray

Labo qarax oo gaari loo adeegsaday ayaa saakay kadhacay magaalada Muqidisho. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka.

Qaraxa labaad ayaa qiyaastii muddo soddon daqiiqo kaddib ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas`uuliyadda qaraxyadaas,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka