Hot Topics

Video:-Madaxweyne Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

Shacabka Puntland ee caasimada garowe uma kala harin soo dhaweynat iyo muujinta rabitaanka ay u hayaan Madaxweyne gaas.

Shacab lagu qiyaasay Kumanaan oo wata calanka Puntland iyo sawirka maadxweyne Gaas,ayaa sia soo tubay garoonak ilaa Barxada ay caanka ku tahay caasimada.

Ciyaaraha hidiyo dhaqanka,iyo salaan sharaf ay siiyeen cutubyo ka tirsan ciidanka Banbayda Booliska,ayaa kamid ahaa soo dhaweynta la yaabka lahayd ee maanta loo sameeyay Madaxweyne Gaas.

Farxad rayn rayan aan lasoo koobi karin,ayaa wajigiisa ka muuqatay Madaxweyne Gaas markuu maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Waa umahadnaqayaa dhamaan Gudoonka Baarlamaanka,Xildhibaanada,Gudoonka Gobolka iyo shacabweynaha garowe”ayuu yi Madaxweyne Gaas.

Isagoo hadalkiisii si wata ayuu yiri”Waa guulaysanaynaa 8-da Janaayo waxaan ku gaaraynaa guulxasilooni iyo barwaaqo,Cabdikhadarna waa idin soo laabanayaa”.

Madaxweyne Gaas oo safarkisii qaatay 5-ta cisho ee Kenya guulo la taaban karo kusoo hoyay sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta ka tirsan Madaxtooyada ,ayaa umuuqday mid hamigiisu uu aad usareeyo.

Halkan ka daawo muuqaalka