Hot Topics

Madaxweyne Gaas oo booqasho qoys ku gaaray Bursaalax

Warar kala duwan oo safarka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu halka u tagey booqasho la xiriirta qoyskiisa,iyadoo warbaahinta gudaha ay ku warrantay inuu madaxweynaha booqasho ugu tagey Hooyadii oo ku sugan galbeedka gobolka Mudug.

Safarka deg deg ah ee madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadday xilli la filayo galinka dambe ee maanta in la shaaciyo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub,iyadoo dhaqdhaqaaq arrinata la xiriira laga dareemayo magaalada Garoowe.

Madaxweynuhu waxuu maalmahan kusii sugnaan doonaa deegaankaas oo ay dagan yihiin qoyskiisa gaarka ah.