Hot Topics

Xildhibaanada cusub Ee Baarlamaanka Puntland Oo saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo

Golaha Wakiilada Dawladda Puntland 2019 ayaa la filayaa in mar dhow la shaaciyo sida ay ii sheegeen Gudiga qaybo ka mid ah oo aan la xiriiray
Ogow Akhriste in Bulshada Puntland ukala qaybsantahay labo qaybood.


1. Xildhibaan Ku haminaayay in uu Xubinta Helo

2. Taagere Xildhibaan oo Farta Wadnaha ku haya


Gudiga ayaa lafilayaa inay gelinka dambe ee maanta ilaa caawa si rasmi ah u shaaciyaan 66-da xubnood ee uu ka kooban yahay barlamaanka cusub ee Puntland oo ay ku yar yihiin xildhibaanadii hore ee Puntland.


Maalinimada berri ah ayaa lafilayaa in barlamaanka cusub ee Puntland uu yeesho kulankiisii ugu horreeyey isla markaana uu bilaabo howl maalmeedkiisii ugu horeeyey gaar ahaan doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxda cusub ee Puntland.