Hot Topics

Hawlgalka xoraynta Jubada dhexe Oo loo magacaabay Talye cusub

Wasiirka Amniga Jubbaland C/casiis Janan ayaa magacaabay Taliyaha Howlgalka xoreynta Jubadda Dhexe oo ah gobol degmooyinkiisa oo dhan ay maamulaan Al-Shabaab.


Taliyaha Xoreynta Jubadda Dhexe waxaa loo magacaabay G/sare Axmed Jaamac Salaad, kaasoo hoggaamin doona howlgalka ku wajahan deegaanada Jubadda Dhexe, sida Jilib iyo Bu’aale.


Maamulka Jubbaland ayaa todobaadyadii u danbeeyay ku jiray diyaar garow dagaal oo ku wajahan Gobolka Jubadda Dhexe, waxaana dhowaanahan xeryaha ciidamada booqanayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.