Hot Topics

Video:-Madaxweyne Uhuru oo ka hadlay weerarkii Hotel DusitD2

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi.

Kenyatta wuxuu sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerarka.
Wuxuu sheegay madaxweynaha in la laayay dadkii weerarka soo qaaday.

Madaxweynaha Kenya ayaa amaanay sida degdeg ah ay laamaha ammaanka Kenya uga falceliyeen weerarka.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah 2 qof oo uu kala dhalatay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay mid kamid ah dadka ka howlgala xarunta meydadka la dhigo ee Chiromo.

Wuxuu intaasi ku daray in 11 qof ay u dhasheen dalka Kenya.
Saraakiil dowladda Mareykanka ka tirsan ayaa xaqiijiyay in muwaadin u dhashay dalkaasi uu kamid yahay dadkii ku dhintay weerarka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka