Hot Topics

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Dab qabsaday Mehered ganacsi Magaalada Garowe

Dhimashada Hal qof iyo dhaawaca laba kale,ayaa ka dhashay kadib markii dab ka dhashay haan nooca gaaska keydisa oo ku qaraxday meherad ku taalla bartamaha magaalada Garowe.


Haanta,ayaa qaraxday markii ay ku dhacday xabad uu riday askari ka tirsan ciidamada Puntland oo qof shacab ah ay is-af dhaafeen, islamarkaana uu dab qabsaday gudaha meheradda.


Askarigii falka geystay oo goobta ka baxsaday, ayaa gacanta lagu soo dhigay markii danbe,wuxuuna haatan ku xiranyahay saldhiga dhexe ee Garowe.