Hot Topics

Fariin muran iyo shaki badan dhalisay oo uu sii daayay Jawar

Siyaasiga Oramada ee Jawar Mohammed ayaa soo saaray baaq digniin u muuqda oo uu ku sheegay in quwado hoose ay isku dayayaan in ay qalqal iyo xasilooni daro ka abuuraaan Somali Region ka dibna xabsiga laga soo daayo Cabdi Iley si mar labaad uu majaraha u qabto maamulka,

Ka dib marka la fashiliyo dadaalada Madaxweyne Cagjar , arintaas oo uu sheegay in ay ka shaqeynayaan haraadiga Tigreega iyo Maamulkii Cabdi iley,

Sidoo kale waxa uu sheegay Jawar in suuqa la gelinayo in ONLF ay tababar u furtay 50 kun oo dagaalyahan, sidoo kalana Al – itixaad ay wadaan qorshe nuucaas ah , si sirdoonka itoobiya loo marin habaabiyo, Jawar ayaa sheegay in culeys lagu saaray asiga ahaan sidii loo siin deyn lahaa Cabdi iley,

Lama garan garo waxa ka dhab ah hadalka Jawar oo ah Siyaasigii ka danbeeyay kacdoonkii Oromada,isla markaana ay ka amar qataan Malayshiyaadka aadka u hubaysan ee lagu eedeeyo in ay xasuuq aan loo meel dayin ay gaystaan.