Hot Topics

Muuqaal:-RW Abiye”Somaliya waa Nus ka mid ah Itoobiya”

Ra’isalwasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayey madasha Davos oo sannadkiiba mar la qabto loogan hadlo arrimaha ganacsiga adduunyada,ayaa halkaas ka sheegay in uu aaminsan yahay Waddamada dhaca geeska Afrika ay Khasab ku tahay in ay hal Dowlad noqdaan oo aan loo baahnayn inay Danjirayaal kala duwan ku yeeshaan Dunida.

Abiye,ayaa yiri “Dhaqaalaheena waa inaan gelinaa dadkeena looma baahna inaan danjirayaal kala duwan yeeshaan dalalka Jabuti, Itoobiya iyo Erateriya”.

Markii la weydiiyey su’aal ahayd maxaad Somaliya uga reebtay waxa uu ku jawaabay oo yiri “ Somaliya waxay ka mid tahay Itoobiya wax yar oo teknilkal ah ayaa dhiman ee Farmaajo waan isku afgarannay arrinkaas”.

Hadalka Ra’isalwasaaraha Itoobya Attoo Abiye waxaa ka muuqda in halkaas uu u tagay in uu waddamada dunida ee dhaqaalaha leh ka dhaadhicyo in Itoobiya ay waddo qorshe ay kula wareegeyso Waddamada Geeska Afrika dhaca sida Ereteriya, Jabuuti iyo Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka