Hot Topics

Madaxweyne Deni oo joojiyay khidmadaha iyo curaarada hay’adaha Dowlada la siin jiray

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku joojiyay isticmaalka lacagaha curaaraha iyo khidmadaha ee la siin jiray Hay’adaha dowladda ee madaxa banaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada u qabto dowladda.

Madaxweynuhu wuxuu ku sababeeyay go’aankiisa inuu jiro ishdin dakhli oo baaxad wayn, ayna adkaatay in la bixiyo musharaharaadka shaqaalaha dowladda iyo hawl socodsiinta dowladda.

” Waxaa la farayaa madaxda ay warqad ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in curaaraha loo qabto hay’adaha dowladda ee madaxa banaan, shirkadaha gaarka loo leeyahay, shirkadaha dakhliga dowladda khidmadda laga siiyo, curaaraha dowladu maamusho IWM, dhammaantood loo isticmaalo bixinta musharaadka iyo Hawl-sicidsiinta dowladda” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Siciid deni.

Hay’adaha dowladda ee sida tooska ah ay u saamaynta doonto go’aanka madaxweynaha waxaa ka mid ah hay’adda biyaha iyo tamarta ee PSAWEN, hay’adda wadooyinka ee PHA iyo mashruuca dhismaha wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo. Waxaa kaloo wareegtadani ay saamayn doontaa shirkado gaar loo leeyahay oo adeegyo u qaban jiray dowladda Puntland.

Wareegtada madaxweynaha ayaa dhaqan-gal noqonaysa inta ka horaysa ku noqoshada miisaaniyadda xukuumada oo la filayo in barlamaanku ka doodo bisha soo socota ee Maarso 2019ka.

Khidmadahan,aya amarkii horeba waxa aka jiray cabasho iyo tuhun sheegaya in aysan ku bixin wadooyinkii loogu talagalay,isla markaana ana lagu daboolin baahi shacab qabo ee ay gacanta ugali jireen shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah.

Halkan ka akhriso:-