Hot Topics

Video:-Muxuu ku salaysnaa shirka jaraa’id Ee Wasiir Beyle?

Wasiirka Maaliyadda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in hay’adaha caalamka ay hadda u ololeynayaan sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Somaliya,taas oo ku timid hagaajinta maamulka Maaliyadda Dalka.


Warbixin dhawaan la soo saaray oo la xiriirtay in Somaliya ay tahay Dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka ayuu soo hadal qaaday Wasiirku, wuxuuna ku tilmaamay Beyle, aragti qaldan oo laga badbadiyay.


“Musuq maasuqa xagga hoose yaan ku jirnaa Somalidu waxay tiraahda “Been fakatay run ma gaarto” waa aragti qaadasha,waan ku daba jirnaa laakiin waxaan doonaynaa in Dadka Adduunyada in aan u sheegno in aanan sidii hore ahayn ee ay wax waliba is-beddaleen” ayuu yiri Wasiir Beyle.


Wasiirka ,yaa intaa ku daray in Wasaaradda Maaliyaddu sameysay website lagala socda oo laga heli karo xogta maaliyadeed ee Soomaaliya marwalba lagu daabaco warbixinnada ugu dambeeya.


‘Waxyaabaha la innoo siinayay halka hoose waa inaanay naga soo bixi jirin warbixinnada loo baahnaa markaas baa la oranayay halkii hore siiya, taasina waa arrin aan ka dagaallamayno iminka” ayuu yirri Wasiirka Maaliyadda,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka