Hot Topics

Ciidamo Soomaali iyo Mareykan ah oo weeraray Degaanka Baladul amiin.

BALADUL AMIIN (IDIL NEWS)-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah, ayaa Howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen gudaha degaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabellada Hoose.

Kooxda Al-shabaab ayaa gudaha degaanka Baladul Amiin waxa ay ku lahaayeen Saldhigyo iyo xarumo, waxaana Howlgal ku bur buriyay Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhaxe ay ciidamada Danab iyo ciidamo Mareykan ah ay ka fuliyeen gudaha degaanka Baladul Amiin ee Gobolka shabellada Hoose.

Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Howlgalka lagu bur buriyay saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgalka sida ay inoo sheegeen saraakiisha Danab

IDIL NEWS