Hot Topics

Kenya oo ku hanjabtay in ay cunaqabatayn kusoo rogayso Somaliya(Daawo).

Dowladda Kenya ayaa si cad u sheegtay in aysan Soomaaliya marnaba gacanta u galin doonin xitaa qeyb yar oo ka mid ah dhulka ay ku fadhiso xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa galinkii dambe ee maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday mowqifkeeda ku aaddan arrintan ku saabsan muranka badda, iyadoo sheegtay in tallaabadii ay Soomaaliya qaadday ay ahayd mid qallafsan.

“Ma jirto dowlad aan ku wareejineyno taako ka mid ah dhulka ay Kenya leedahay”, ayey tidhi Ambaasadoor Monica Juma.

Juma ayaa sheegtay in Kenya ay wali Soomaaliya ka sugeyso jawaab faahfaahsan oo ku saabsan arrimaha ugu waaweyn ee lasoo hadal qaaday, iyadoo dhanka kalena xustay in Kenya ay aad isugu dayeyso iney “isxakameyso”, oo aysan tallaabo xad-dhaaf ah qaadin.

“Dalal ayaa dagaal u galay wax aad uga yar arrintan oo kale”, ayey tidhi Ms Juma.

Waxay dalbatay in Soomaaliya ay sharraxaad buuxda ka bixiso qodobada ay Kenya taabatay ee ku saabsan meelaha shidaalka qaniga ku ah ee la beeciyay.


Wasiiradda oo ka hadleysay shir jaraa’id oo ay warbaahinta u qabatay ayaa hoosta ka xariiqday in ay jiri karto cunaqabateyn ay ku soo rogaan Soomaaliya, taasoo ku xiran hadba sida ay noqoto jawaabta ay xukuumadda Muqdisho ka bixiso sharraxaadda laga dhowrayo.

Qeyb ka mid ah sharraxaadda ay Soomaaliya ka sugayaan ayey sheegtay in ay tahay raalli galin laga doonayo in Soomaaliya ay siiso Kenya.

Halkan ka daawo muuqaalka