Hot Topics

Somaliland oo War kasoo saartay Qoraalkii DF Soomaaliya (Akhriso)

HARGEYSO (IDIL NEWS)-War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa looga hadlay Ahmiyada ay leedahay Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo sidoo kale Kulankan ay wada yeesheen madaxweynaha Soomaaliland iyo R/Wasaaraha dalka Itoobita Abiy Ahmed.

“Somaliland waxaa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, iyo in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.

Sidoo kale qoraalka madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa la isku afgartay in khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah.

“Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay.”

IDIL NEWS