Hot Topics

Garoowe: Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ? (Sawirro)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha waxaa Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee hormuud ka u yaahay Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi.

kulan saacado qaatay oo ay wada yeesheen Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo madaxda Wasaaradda ayaa looga wada hadlay wax yaabo badan oo ku aadan Horumarka dalk.

shirkaasi markii uu soo afmeermay ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay kulanka ay wada qaateen Madaxwaynaha.

Wasiirka ayaa yiri “Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni booqashadan ayaa ahayd uguur galid ku aadn xaalada Wasaaradda Maaliyadda iyo in lahelo dakhligii Dalka lagu maamumili lahaa “

Wasiirka oo hadalkiiisa siiwata ayaa yiri “sidoo kale Madaxwaynaha waxaanu tusnay Miisaaniyadii 2019 ee aanu diyaarinay wax badana waanu isla eegnay kahor inta aanan gayn Golaha Baarlamaanka”

Sawirro.

IDIL NEWS