Hot Topics

Xukun dil ah oo lagu riday Xubno katirsan Al-Shabaab (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay xukun ku ridday laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo inay ka dambeeyeen  weeraro iyo dilal ka dhacay Magalada Muqdisho.

Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar ayaa Maanta Maxkamada Ciidamada waxa ay ku ridday Xukun dil toogasho ah, waxaana Maxkamada ay sheegtay in labaduba ay saarnaayeen markii la qabanayay Gaarigii ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon Maalintii uu dhacay qarixii Tiyaatarka.

Sidoo kale Maxkamada ayaa raggaas ku eedeysay inay soo abaabuleen weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi e e Magalada 9-kii Bishii November Sanadkii tegay ee 2018.

Daawo.

IDIL NEWS