Hot Topics

Muqdisho: Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Burburay iyo Madax D/gobaleedyada oo Nairobi

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada oo lagu waday in maanta oo 19 April ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa burburay kaddib markii ay iska diideen qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada.

Wararka ayaa Sheegaya in Saddex kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ay iska diideen Casuumaada Shirkan oo uu Labo jeer oo is-xigta u diray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni, ayaa ka cudur daartay shirkan, maadaama uu safaro ku marayo Dalal dibadda ah , Isagoona haatan ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta, kuna sii jeedo Magalaada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo ku sugan Nairobi, ayaa iyagu shuruudo adag ku xiray ka qeyb-galka Shirka, waxaana wararku sheegayaan in Madaxweynaha Puntland uu ugu tagayo Magaalada Nairobi, halkaas oo ay shir kula yeelanayaan Madaxda Beesha Caalamka.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa sanadkii hore labo jeer dib u dhacay, iyadoo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay diideen martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay inay shir isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho.

IDIL NEWS