Hot Topics

Mid ka mid ah maalqabeenada Denmark oo ku gablamay qaraxyadii Denmark

COPENHEGEN (IDILNEWS). Mid ka mid ah maalqabaneeda dalka Denmark,ayaa ku waayay qaraxyadii xooga badnaa ee ka dhacay Sirilaanka inta badan caruurtisii.

Andersen oo ah maalqabeen u dhashay Denmark,isla markaana haysta aduun lacageed oo gaaraya 6.3 Bilyan oo Yuro,ayaa ku waayay qaraxyadii Sirilaanka sadex ka mid ah caruurtisiii,

Maalqabeenkan oo markii hore caruurtiisu ay ahayd afar,ayaa hada waxaa ubadbaaday hal mid oo qura.

37-qof oo ajaanib ah oo ku naf waayay qaraxyadaas ayay Denmark ku lahayd 4-qof.

In ka badan 1500 oo Danish ah,ayaa ku sugan xiligan dalkaas,intooda badana waxay ujoogaan fasaxa loo yaqaan Easter-ga oo xiligan oo kale la galo.

Maalqabaneeda iyo Dowlada Denmark,waxay ka fuliyaan dalka Sirilaanka mashaariic horumarineed oo fara badan sanad walba.