Hot Topics

Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Bardaale

Wararka aan ka helayno Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo dhaliyay Khasaare kala duwan.

Hal ruux ayaa ku geeriyooday, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay qaraxaasi saddex ruux sida wararka ay sheegayaan, kuwaasi oo isugu jiray Ciidan & shacab.

Qofka qaraxa ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Kabtan Falar Liibaan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka Degmada Bardaale, sida Saraakiil ay xaqiijiyeen.

Dadka kale ee qaraxa dhaawaca uu ka soo gaaray ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baydhabo, si halkaasi loogu soo daaweeyo.

Qaraxa oo ahaa miino wadada lagu aasay, ayaa Saraakiisha waxa ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Ururka AL Shabaab.