Hot Topics

Saddex askari oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay Degmada Waajid

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Al Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Weerarkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa dagaalyahanada Shabaab waxa ay si toos ah u beegsadeen Saldhigan Ciidamada dowladda ay halkaasi ku leeyihiin, xilli ciidamada ay ku jireen xaalad deganaan ah.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Ururka Al Shabaab, islamarkaana uu jiro Khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo labada dhinac soo kala gaaray.

Ugu yaraan Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka sidoo kalena ay jiraan khasaare soo gaaray Shabaabka, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn inta uu la eeg yahay khasaaraha soo gaaray Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa la sheegay in ku dhawaad saacad ay gacanta ku hayeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Degmada Waajid ee xalay weerarka uu ka dhacay, inkastoo ay isaga baxeen halkaasi.

Xaaladda Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa saaka waxa ay tahay mid degan, waxaana hawlgal roondo ah wada Ciidamada dowladda.