Hot Topics

Madaxweyne Deni oo ka anba baxaya Gobolka Mudug

Madaxweyne Deni oo maalmahan ku guda jiray kormeer uu ku joogay Gobolka mudug,ayaa la filayaa in uu ka anba baxo ilaa maanta.

Deni iyo wafti uu hogaaminayo waxay ukici timi doonaan dalka Shiinaha oo ay ka haystaan martiqaad rasmi ah.

Madaxweyne Deni maamlmihii uu ku sugnaa Gobolka Mudug waxuu kormeeray dhamaan xarumaha dowlada iyo goobaha adeega bulshada.
Sidoo kale waxuu la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo waxaa kusii sugnaan doona Gobolka Wasiiro ka mid ah Xukuumadiisa oo sii dhamaystiri doonaa qorshayaashii Gobolka ee ay Dowladu la timid.

Wararkayaga danbe ayaan idinku soo gdubin doonaa guulihii safarkaas iyo caqabadihii ka hor yimid ama uu kala kulmay Gobolka.