Hot Topics

Xukuumadda Waqooyiga Kuuriya oo khaarajisay wakiil u qaabilsanaa wadadahadalladii Trump

Jariirad kasoo baxda dalka Koonfurta Kuuriya ayaa waxaa ay qortay in xukuumadda Pyongyang ee Waqooyiga Kuuriya ay khaarajisay mid ka mid ah wakiilladii ugu qaabilsanaa wadahadalladii fashilmay ee hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un kula yeeshay caasimadda dalka Vietnam ee Hanoi madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Ninkan la khaarajiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Kim Hyok Chol, waxaana uu qeyn ka ahaa wadahadallaadii ugu dambeeyay ee Vietnam ka dhacay ee ay labada hoggaamiye ku kala keceen.

Jariiradda ayaa qortay in ninkan iyo dhowr ruux oo kale oo isaga kala shaqeyneysay wasaaradda arrimaha dibedda la dilay bishii Maarsho ee la soo dhaafay kadib markii ey kasoo laabteen safar, waxaana lagu dilay iska garoonka diyaaradaha Mirim ee ay kasoo dageen.

Waxaa lagu eedeeyay in ay u “basaasayeen” dowladda Mareykanka intii uu socday kulanka.

Wali ma cadda jiritaanka warkan, laakiin waxaa sidoo kale sii baahiyay warbaahinno ay ka mid yihiin  Reuters iyo Bloomberg.

Wadahadalladii u dambeeyay ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa fashil ku dhammaaday kadib markii labada dhinac ay isku waafaqi waayeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qaadida cunaqabateynada oo ay xukuumadda Pyongyang aad u daneyneysay, waxaana ay taasi dhalisay in Waqooyiga Kuuriya uu dhaqamadiisii tijaabinta gantaallada dib usoo celiyo si uu cadaadis ugu saaro Mareykanka.