Hot Topics

Video:-Dhabancad oo kulan la qaatay hay’adaha ka hawlgala Puntland

Ilaa 9 qof oo saddex Caruuri ah ay ku jiraan ayaa ku dhintay roobabkii ka da’ay Puntland sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad.

Wasiirka ayaa hadalkan ka kulan maanta xarunta wasaaradda maaliyada ku dhexmaray Gudddiga Dowladda Puntland u saartay qiimeynta iyo wax ka qabashada waxyeeladii Roobabku geysteen iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala Puntland.

” Saddex Caruur ah oo hal qoys ah waxay biyo ku qaadeen Karkaar, Labo qof, biriq ayaa ku dishay Sanaag, Saddex qofna hore ayay u dhintee, Islaana waxay la ii sheegay in biyo la tageen” Sidaas waxaa yiri Wasiir dhabancad

Wasiirku, wuxuu sheegay in 100 qoys ay Xoolahoodii ku waayay fatahaadigii ka dhashay roobabkii xooga lahaa ee day’ayay. Waxaa kaloo uu sheegay in khasaare xoog leh uu soo gaaray Wadada Laamiga ah ee Garoowe iyo Bosaso.

Halkan ka daawo muuqaalka