Hot Topics

Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda ee Degmada Bardaale

Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa wuxuu isku soo dhiibay Ciidamasda dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Sarkaalka isa soo dhiibay oo watay qori Ak47 ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu magacaabo Ibraahim Ali Mohamed Aadan, waxaana uu Shabaab u qaabilsanaa Degmada Bardaale.

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Bardaale ayaa soo dhaweeyay Sarkaalkaan oo Saraakiisha Ciidamada dowladda ay u arkeen inuu yahay nin muhiim ah, maadaama xog bada uu ka haayo Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Degmada Bardaale ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Sarkaalkaan uu garowsaday ka soo bixista Ururka Al Shabaab, waxaana ay intaasi ku dareen xubnaha kale ee Shabaab inay ugu baaqayaan inay isa soo dhiibaan.

Maalmahan dambe ayaa waxaa jirtay in Saraakiil & Ciidamo ka tirsan Shabaab ay isaga soo baxeen Ururka islamarkaan ay ku soo biirayeen Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.