Hot Topics

Video:Madaxweyne Axmed Madoobe oo jeediyay khudbad taariikhiya

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horayn guud ahaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Madaxweynahaha ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka lahaa ee dalku uu soo maray isagoo xusay in Soomaalida ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay tahay wax adag in dadka sharciga lagu hago balse sanadahii dhawaa wax badan ay isa soo badalayeen inkasto qaybaalada ay wali tahay caqabad weyn oo aan laga gudbin.

Dhinaca kale wuxuu sheegay Madaxweynahu in Siyaasada dalka aanay fadhiyin oo wax badan ay khaldanyihiin isagoo xusay in Madaxda Dowlada Federaalka ah aanay war badan ka haynin dhibkii looso maray Dowladnimada iyo isku haynta Qaranka sida ay qiyamka u tahay.

Dadweynaha ree Jubbaland Ayuu isagoo sii hadlaya Madaxweynahu ugu baaqay midnimo iyo wadajir isagoo sheegay in doorashooyinka dhawaan dhacaya ay tahay in la ilaaliyo Dastuurka iyo sharciga Jubbaland u yaala taas oo ah waxa Dowladnimadeenu ay ku dhisan tahay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka