Hot Topics

Faysal Cali Waraabe ” Xildhibaan Dhakool-na waa danbiile ” ( Daawo )

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayay munaasabadda iidda ayaa eedayn kulul u jeediyay xildhibaan Dhakool oo ku xiran magaalada Hargeysa kadib markii uu dhaliilay xuska 18-ka May.

Mr Waraabe ayaa sheegay in Dhakool uu doqonnimo ka helay madaxda Somaliland ee uu mudnaa in la dilo haddiiba uu ku dhiirraday in uu dhaliilo xuska 18-ka May ee ku beegan maalintii Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day  Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in xildhibaan Dhakool uu ku nabad –galay gudaha Somaliland kadib markii uu ku nabad-geli waayay magaaladii uu ka soo jeeday ee Laascaanood oo walaalkiis lagu dilay isagoo xusay in Dhakool mudda 21 sano ah mushahar u qaadanayey canshuurta ay bixiyaan hooyooyinka ku goblamay halgankii SNM sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Faysal ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda SSC iyo Boorame isagoo ku tilmaamay in ay Somaliland cadowga u soo horkacaan.