Hot Topics

Digreeto – Madaxwayne Deni oo curaartii ka jaray Caasumadda Puntland

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, oo ay warbaahinta Puntland Post heshay bishii February ee sannadkan, ayaa lagu joojiyay dhammaan curaaraha ay dowladdu maamusho ee la siin jiray hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Dikreetada oo ku taariikhaysan 2 February 2019, ayaa lagu amray in dhammaan lacagaha curraarta ee laga jaray hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka,loo isticmaalo bixinta mushahaaraadka iyo socod-siinta  hawlaha dowladda.

Go’aankaasi ayaa sida dikreetada ku qoran loo qaatay, kadib markii uu dowladda soo wajahay is-dhin dakhli oo baaxad weyn, ayna adkaatay in la bixiyo mushahaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada .

Caasimadda Garoowe oo ku jirtay meelaha dikreetadu  saameysay,  ayaan tan iyo wakhtigaasi helin lacagihii curraarta ay siin jirtay dowladda Puntland.

Balse, dadweynaha oo aan la socon dikreetada hore, ayaa su’aalo badan isweydiiyay, kadib markii xalay duqa degmada Garoowe uu Facebook-giisa ku daabacay, shaxda dakhliga u soo xarooday degmada oo muujinaysa in aan wax curraara la siin caasimadda.