Hot Topics

Xildhibaan Dhaashane iyo wafti uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Zambia

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane,ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Zambia.

Jaaliyada Puntland ee dalkaas,ayaa soo dhaweyn qiimo sare leh usamaysay Xildhibaanka iyo wafti uu hogaaminayo oo dalkaas ugaaray la kulanka jaaliyada Puntland ee Zamiba.

Soo dhaweynta kadib Xildhibaanku waxuu kulan kooban la qaatay Gudoonka Jaaliyada iyo ganacsatada ku dhaqan caasimada dalkaas ee Lusaka.

Dhaashane waxa uu ugudbi doonaa Magaalada Ndola ,halkaasi oo uu ka dhici doono kulan balaaran oo uu la qaadan doono jaaliyada..

Xildhibaan waxuu kaloo casuumad kawadaa Madaxweyne Deni,taasoo ku aadan kasoo qaybgalka shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Puntland oo dhawaan dhici doona.

Ndola waxaa ka socda diyaar garow xoog badan oo lagusoo dhawaynayo waftiga uu hogaaminayo Xildhibaan Dhaashane.