Hot Topics

Taliska Booliska oo sheegay in qabtay ninkii waday gaarigii ku qarxay KM4 .

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka helayaa qaraxii labaad ee Maanta ka dhacay agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxaasi oo lagu soo xiray Gaari noociisu ahaa Toyota NOHA oo qalin ah ayaa waxa uu uu qarxay xili uu marayay wadada aada dhinca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxaas,waxaana ay sheegeen in wax khasaaro ah uusan geysan,sidoo kalena la qabtay Nin waday gaariga qarxay.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in ay Ciidamada ammaanku ku guleeysteen in ay Gacanta ku soo dhigaan wadihii Gaariga isaga oo aan geysan wax qasaara ah.

“Waxaa agagaarka KM4 ku qarxay gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas”. ayay tiri Taliye Zakia Xuseen Axmed.