Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday goobihii qaraxyadu ka dheceen

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali kheyre ayaa xalay kormeeray goobihii Qaraxyada khasaaraha geystay ay ka dhaceen shalay ee Muqdisho, isagoo dhiirri-gelin u sameeyay ciidammo uu sheegay inay qaraxyadaas ka hor-tageen.

Kheyre ayaa la kulmay qaar ka mid ah askartii ku sugneyd koontoroolladii ay qaraxyada ka dhaceen, isagoo uga mahad-celiyay sida ay uga hor-tageen in qaraxyadaas lala beegsado goobihii ay Al-shabaab la damacsanaayeen.

Sidoo kale, RW Somalia ayaa sheegay inay hayaan abaal-marin loogu talo-galay ciidamada si loogu dhiirri-geliyo hawsha ay shacbaka soomaaliyeed u hayaan, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ciidamada iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda Qaranku ka war-qabaan dadaalka wanaagsan ee ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan, lana abaal-marinayo ciidamada amniga ee isku hor-gudbay weerarrada lasoo maleegay, dhiiggoodana u huray in dadka Soomaaliyeed ay ka badbaadiyaan dhibaatada.

“Ciidamadii ka hor-tagay qaraxyada waxaan leeyahay geesiyaal ayaa tihiin, waxaana naga go’an inaan abaal-marinno cid walba oo gacan ku lahayd inay fashiliyaan qaraxyadaas ay cadowgu soo abaabulaan,” ayuu yiri Khayre oo la hadlayay tiro askar ah.

Ugu dambeyn, Shacbaka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Somalia ee had iyo jeer u taagan sugidda amniga dalka iyo ka caasimadda Soomaaliya.