Hot Topics

Wasiirada Howlaha Guud ee DF iyo D/gobaleedyada oo soo gaaray Garoowe (Daawo)

Wafti ka kooban Wasiirada Hawlaha guud ee Dowlad Goboleedyada Dalka oo uu hogaaminayey Wasiirka Hawlaha Dib u dhiska iyo Guriyeenta ee Dowladda Faderaalka Somalia Cabdi Aadan Hosow, ayaa soo gaaray maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wafti ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Caasimadda Puntland, kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeenta ee Puntland Axmed Bashiir Muuse ” Ciiro”.

Ujeedka Imaasha waftigaan ayaa waxaa ay ku sab saan tahay iyadoo malinta beri ah Magalaada Garoowe uu ka furmi doono shir looga wada arrinsan doono dib u dhiska dalka iyo  Xojinta xiriirka Wasarada hawlaha guud iyo Wasarada Maamul Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeenta Dowladda Puntland Axmed Bashir Muuse ” Ciiro” oo warbaahinta kula hadlay Qeybta nasashada ee Garoonka ayaa soo dhaweeyey waftiga Wasirka hawlaha guud iyo Wasiirada Hawlaha guud ee Maamul Goboleedyada Dalka.

Daawo.