Hot Topics

Hoggaamiyihii Afgambigii fashilmay ee Itoobiya oo la toogtay

Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Degaanka Amxaarada ayaa toogasho ku dilay Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Maalin ka hor ka dhacay Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Janaraal Asamnew Tsige ayaa la sheegay inay toogteen Ciidanku kaddib dagaal saacado qaatay oo dhex maray Ciidan uu Hoggaaminayo iyo Ciidanka Huwanka ah ee Dowladda Federaalka iyo Ismaamulka Amxaarada.

Afgambigii dhicisoobay ee Janaraal Asaminew ka fuliyay Gobalka Amxaarada, ayaa lagu dilay Taliyihii Guud ee Ciidanka Itoobiya iyo Madaxweynihii maamulka Amxaarada.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa.

Sidoo kale Janaraal Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xirnaa xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda, sida ay shaacisay Warbaahinta dalkaas.