Hot Topics

DEG-DEG: Madaxweyne Deni oo kulan la leh Saraakiishii kasoo goosatay Somaliland

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa Munaasabad Qado sharaf ah u sameeyay Saraakiishii dhowaan kasoo baxay Somaliland iyo guddoomiyihii gobolka Badhan ugu Magacowna iyo ciidamo ay hor kacayaan.

Munaasabadan ayaa ka socota Banaanka Magaalada Garoowe, Iyadoona ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Labada Gole ee Dowladda Puntland, Waxgarad iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa inuu Munaasabadan ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada Gobalada Sanaag iyo Sool, iyo Qorshaha Xukuumadda uu Hoggaamiyo eek u aadan xoreynta Gobalka Sool.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu si gaar ah fariin ugu diro Bulshada Labada Gobal, isagoona kaga dhawaaqi doona goobta goor-dhow socdaal la filayo inuu dhowaan ku tago Gobalka Sanaag.

Saraakiisha oo ay Horkacayaan G/sare Xuseen Faarax Aadan iyo G/Sare C/rashiid Axmed Jaamac Xayle, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Garoowe, Iyagoona saacadihii lasoo dhaafay ay kulamo la lahaayeen Xubnaha labada Gole ee Dowladda Puntland ku matala Beesha Warsangeli.