Hot Topics

Guddigii Doorashooyinka Puntland oo $180,000 ku badashay Is-casilaadoodii!!

Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa Is-casilaadii Guddigii KMG ahaa ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, kuwaas oo maalinimada khamiista aheyd ku dhawaaqay Is-casilaadooda.

Guddiga ayaa sheegay in ay isu’casileen duruufo gaar ah oo la soo darsay, ayna kamid tahay in  ay isla jaan-qaadi waayeen xubnaha guddiga iyo qaarkood oo dalbaday is-casilaad, sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay shaqada wada-banneeyan, si loo helo guddi cusub oo isla’ jaan-qaadi kara.

Shabakadda Idil News, ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay baaris la xariirta sababaha soo dad-dajiyay Is-casilaada Guddigii Doorashooyinka, Iyadoona xogo rasmi oo ay heshay ay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu ka dalbaday Guddiga is-casilaadooda.

Saraakiil sare oo ka agdhow Madaxtooyadda ayaa Idil News, u sheegay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu ka codsaday Guddiga inay is casilaan, taa bedelkeedana ay qaataan lacag.

Qaar kamid ah xubnaha Guddiga ayaa la sheegay inay ka biyo-diideen dhaqaalaha uu u soo bandhigay Madaxweyne Deni, taas oo ay masuugeen cadadkeeda, wallow markii dambe ay heshiis ka gaareen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu Guddiga siiyay Dhaqaale gaaraya 180,000 oo dollar Mareykanka ah, taas oo xubnaha 9 ah ee Guddigu uu ka koobnaa ay u kala qaateen min 20,000 kun oo Dollar.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu Qorsheynayo inuu keensado Guddi ay si dhow u wada shaqeeyaan, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda soo Magacaabo 5 Xubnood ee ugu horeysa Guddiga, halka 4 kalena ay Magacaabi doonaa Golaha Wakiilada Puntland.

Is-casilaada Guddigii Doorashooyinka Dowladda Puntland ayaa fajac ku noqotay Shacabka Degaanada Puntland, waxaana ay kusoo aaday xilli Xukuumadda Madaxweyne Deni ay ku dhawaaqday inay dardar-gelisay Nidaanka Asxaabta badan ee Puntland.